Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Final-ka Club World Cup-ka.
Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay Final-ka Club World Cup-ka kadib markii ay dhaafeen kooxda reer Masar ee Al-Ahly.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Real Madrid doonaysay in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii todobaadkii hore.
- Advertisement -
Wiilasha Ancelotti ayaa ahaa kuwa fiican ciyaarta xilli ay Al-Ahly kaliya difaac ku jirtay isla markaas ku dhibaatootay in ay wax saamayn ah ku yeelato ciyaarta.
Kadib dadaalo dheeraad ah oo aan kala joogsi lahayn Los Blancos ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 42-aad waxana goolka u dhaliyay xiddiga Vini Jir kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso ciyaarta natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.
Qaybta dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilabaatay ciyarta iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta isla markaas dhaliyaan goolal kale.
Daqiiqadii 46-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vede Valverde kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartanaka ka dhigay 2/0.
Kooxda Al-Ahly ayaa heshay dhiiri galin kadib markii daqiiqadii 65-aad loo dhigay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Ali Maâloul kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.
Real Madrid ayaa sii maamulista ciyaarta waxana ay raadinayeen goolal kale oo ay ku dilayaan rajada kooxda Al-Ahly kuwaas oo dhiiraday kadib goolka.
Los Blancos ayaa daqiiqadii 85-aad heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric laakiin waxa si cajiib ah u badbaadiyay Goolka Goolhayaha Al-Ahly ee Mohammed El Shenawy.
Real Madrid ayaa sii waday raadinta goolal kale xilli kooxda Al-Ahly ay dhinacooda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 90+2-ad ayay Real Madrid hurdo u dirtay ciyaarta waxana ay dhaliyeen goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Xiddiga Da’yarka ah ee Sergio Arribas ayaa daqiiqadii 90+8-aad dhaliyay goolka 4-aad isaga oo gool u badalay kubadii ugu horaysay ee uu taabtay.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay Final-ka tartanka isla markaas sabtida la ciyaari doonto kooxda Al-Hilal kulanka Final-ka.