RASMI: Zinedine Zidane Oo Ku Soo Laabanaya Shaqada Tababaranimo Halkee Ayuu Ku Wajahanyahay.
Tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto shaqada tababaranimo ee kooxda.
Zidane ayaa lala xidhiidinayay kooxaha PSG, Newcastle iyo Manchester United tan iyo markii uu ka tagay Real 18 bilood ka hor.
- Advertisement -
“Ku soo laabashada tababarka waa ujeedkayga”ayuu Zizou u sheegay Le Figaro.
“Maanta waxaan haystaa wakhti firaaqo ah laakiin ma garanayo inta ay soconayso, waxaan haystaa ilaa bisha June, laakiin si dhakhso ah ayay u dhici kartaa in aan ku soo laabto shaqada”.
Kooxaha PSG iyo Juventus ayaa ilaa haatan ah kooxaha lala xidhiidhinayo tababaraha reer France.