RASMI: Sergio Ramos Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah.

Daafaca dhexe ee khibrada leh ee Sergio Ramos ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay waajibaadka xulka qaranka Spain kadib 180 kulan oo uu u saftay xulka qaranka Spain.

Sergio Ramos oo 36 jir ah ayaa ka qayb ahaa xulkii qaranka Spain ee ku guulaystay koobabka adduunka iyo waliba tartanka Euro-da

- Advertisement -

Ramos ayaa xulka qarankiisa Spain u ciyaaray 180 kulan waxana uu u dhaliyay 23 koob isaga oo sidoo kale door weyn ka qaatay wakhtigii fiicnaa ee xulka.

Daafaca Ramos ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee xulka Spain ciyaaray sanadkii 2005 kadib markii uu xulka da’yarka u ciyaaray 6 kulan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept