RASMI: Kooxaha Iska Xaadiriyay Wareega 8 Dhamaadka Champions League oo dhaamystiran.

8-kooxood ayaa u soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Benfica ayaa ahayd kooxda ugu hor gudubtay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay 7/1 kaga badisay kooxda Club Brugee labadii lugood ee kulanka halka ay sidoo kale isku mar la soo baxday kooxda chelsea kuwaas oo garaacday Borussia Dortmund.

- Advertisement -

Kadib Bayern Munich ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Paris Saint-Germain halka ay Ac Milan ka reebtay tartanka kooxda Tottenham una gudubtay wareega 8 dhaamaadka champions Legaue.

Man CIty ayaa xasuuqday kooxda RB Leipzig iskana xaadirisay wareega kadib markii ay 7/0 kaga kooxda reer Germany sidoo kale kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay wareega xiga kadib markii ay 1/0 kaga badisay labadii kulan ee tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa ku celisay guushii ay ka gaadhay liverpool iyaga oo 1/0 uga badiyay Reds isla markaas 6/2 uga badiyay kooxda Liverpool labada lugood.

Sidoo kale napoli ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka kadib markii ay 3/0 uga badisay kooxda Eintracht Frankfurt kulankii lugta 2-aad ee tartanka.

Halkan hoose kaga bogo Liiska kooxaha u gudbay wareega 8 dhamaadka

Benfica (Portugal)
Bayern Munich (Germany)
Man City (England)
Chelsea (England)
Inter Milan (Italy)
Ac Milan (Italy).
Real Madrid (Spain)
Napoli (Italy)

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept