RASMI: Karim Benzema Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Real Madrid
Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis afka ah la gaaray kooxda Real Madrid si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Real madrid iyada oo xiddigu ogolaaday heshiis hal sano ah.
35-sano jirkaan ayuu heshiiskiisa Real Madrid ee haatan dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la sheegayaa in uu ka daganyahay xaaladiisa Real Madrid.
- Advertisement -
Xiddiga reer France ayaa dhaawac canqowga ah uga maqnaa sabtidii kulankii Espanyol ee horyaalka laakiin waxa uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, Benzema ayaa haatan heshiis afka ah la gaaray kooxda heysata champions League waxana uu ogolaaday heshiis ilaa sanadka 2024.
Weeraryahanka ayaa wadahadalo la yeeshay madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez bilowgii todobaadkan waxana uu haatan heshiis buuxa la gaadhay kooxda.
Waxa la sheegayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono heshiiska xiddiga uu kula joogi doono ugu yaraan hal xilli ciyaareed kale.
Related