Raheem Sterling Oo Doonayay In Uu Ku Laabto Liverpool Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Chelsea & Sababta Uu Ku Fashilmay Heshiisku Oo La Ogaaday
Xiddiga kooxda chelsea ee Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu xagaagii doonayay in uu ku laabto kooxda Liverpool.
Raheem Sterling ayaa la filayay in uu xagaagii isaga tago kooxda Man City kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Pep Guardiola.
- Advertisement -
Sterling oo wakhti fiican ku soo qaatay Liverpool ayaa doonayay in uu ku laabto Anfield xagaagii hore markii uu go’aansaday in uu isgaa tago kooxda.
Xiddiga ayaa xitaa wakiilkiisa u sheegay in uu wax walba u sameeyo sidii uu ugu celin lahaa Anfield si uu uga hoos shaqeeyo tababare Jurgen Klopp.
Laakiin tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa iska diiday in uu xiddigu ku soo laabto Anfield waxana uu hor istaagay heshiis kasta oo dhici lahaa.
Xiddiga Raheem Sterling ayaa haatan mar kale wakiilkiisa u sheegay in uu ka caawiyo in uu ku laabto Liverpool xagagaa dambe maadama uu ka baxay qorshaha Tababare Graham Potter.