Potter Oo Haatanba Ka Hadlay Qorshihiisa Suuqa Xagaaga Dambe, Miyay Wax Is Badalayaan.
Tababarhaa Kooxda chelsea Graham Potter ayaa sheegay in uuna filayn in ay kooxdiisu sii wado lacagaha waalida ah ee ay suuqa galinayso.
Kadib markii ay suuqa galisay lacag ku dha 270 milyan oo euro xagaagii markii uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda, Kooxda ayaa sii waday kharash garaynta iyaga oo suuqii January suuqa galiyay lacag dhan 320 milyan oo euro.
- Advertisement -
Potter ayaa yiri: ‘Uma maleynayo in kharash garayntu sii socon doonto”.
“Waxa jirtay dib u dhis kooxda ah waxana aan filayaa in suuqa xiga uu ka duwanaan doono midka haatan”.
Saxiixii ugu weynaa ee ay chelsea samaysay suuqii January ayaa ahaa xiddiga Enzo Fernandez taas oo u jabisay suuqa premier League.
Kadib markii uu kaliya Benfica joogay 6 bilood kadib markii ay xagaagii kula soo saxiixatay 9 milyan oo kaliya Potter ayaa yidhi”Waan fahmayaa sababta ay dada qaar ugu yeedhayaan khamaar, guud ahaan saxiix kasta waa khamaar”.