Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Ugu Fiican Champions League, Arsenal Ayuu Bar-Bar Dhigay.

Pep Guardiola ayaa kooxda Napoli ku tilmaamay kooxda ugu fiican tartanka champions League isla markaas bar-bar dhigay kooxda Arsenal.

Man City ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League kadib markii ay xasuuqday kooxda RB Leipzig kulan ka dhacay Etihad.

- Advertisement -

Dhanka kale Napoli ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad cad ee Yurub xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa inay xaqiijiso booskeeda wareega 8 dhamaadka tartanka champions League maadama ay 2/0 kaga badisay Eintracht Frankfurt lugtii hore ee tartanka ka hor kulankooda lugta 2-aad ee caawa.

Mar wax laga weydiiyay dib u soo kabashada kooxaha Talyaaniga ee Yurub xilli ciyaareedkan, Guardiola ayaa u sheegay Sky Sports Italy: “Napoli waa laga yaabaa inay tahay kooxda ugu fiican Yurub sanadkan.

“Dhanka qaab ciyaaredka waxay aad ugu dhow yihiin Arsenal. Inter iyo AC Milan ayaa soo laabtay. Aad ayaan ugu faraxsanahay”ayuu sii raaciyay.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept