Pep Guardiola Ayaa Arsenal Ka Caawinaya Ku Guulaysiga Premier League
Halyeeyga kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa sheegay in uu Pep Guardiola Arsenal ka caawinayo in ay ku guulaysato horyaalka premier League sabab la xidhiidha khaladaadka uu samaynayo xilli ciyaareedkan.
Man City ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka premier League iyada oo iska khaarisay laba dhibcood tartaka ay ugu jirto premier League.
- Advertisement -
Arsenal ayaa haatan 2 dhibcood oo cadaan ah ku haysa horyaalka premier League xilli ay waliba gacanta ku haysato kulan baaqi ah.
Kadib bar-baraha ay gashay City khabiirka Murphy ayaa aaminsan in khaldka uu Guardiola samaynayo ay Arsenal ka caawinayos in ay ku guulaysato horyaalka xolli ciyaareedkan.
“Arsenal waxa laga yaabaa in ay si weyn ugu faraxsanatahay marka ay arkaan khaladkaadka Pep guardiola oo samaynaya khalad sabab u noqonaya kooxdiisa”.
“Hadii uuna Guardiola samayn khaladaadka kulamadii ugu dambeeyay waxa dhici lahayd in ay Arsenal haatan dhibco badan ka dambayso kooxda Man City”ayuu Murphy dhi.
“Hadii uu Arteta ku ciyaari lahaa shaxdiisii 4-3-3 xilli ciyaareedkan oo dhan waxa ay wakhti hore ku guulaysan lahayd horyaalkka laakiin haatan waxa uu ku ciyaaraa 3-4-2-1”.