Newcastle Mise Liverpool? Chris Sutton Oo Saadaaliyay Kulanka Ka Dhici Doona St. James Park

Khabiirka Chris Sutton ayaa aaminsan in Newcastle United iyo Liverpool ay barbaro gali doonaan marka ay kulmaan maalinta sabtida kulan ka tirsan premier League.

Labada kooxood ayaa isku haleeli doona kulan ka tirsan Premier League oo ka dhici doona St. James Park maalinta Sabtida.

- Advertisement -

Reds ayaa kulankaan soo gali doonta iyada oo 2-0 uga badisay Everton kulan ka dhacay Anfield kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka. Guusha ay ka gaareen Toffees ayaa soo afjartay seddexdii kulan ee ay guul la’aan ahaayeen tartamada oo dhan.

Dhanka kale Newcastle ayaa kulankaan soo gali doonta ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay kooxda AFC Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka Premier League todobaadkii hore. Waxa ay ahayd barbarihii labaad ee Magpies oo xiriir ah iyo midkoodii shanaad lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Sutton ayaa aaminsan in ay ay labada kooxood ku kala bixi doonaan bar-baro 1/1 ah kulanka ka dhici doona garoonka St. James Park.

“Liverpool miyay dhinaca kale u rogtay xilli ciyaareedkooda kadib guushii Everton?taas ma hubo, kooxda Jurgen Klopp waxay soo bandhigeen qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay gaar ahaan weerarada rogaal celiska ah laakiin difaacoodu sax ma ahan wali”.

“Liverpool waa kooxda kaliya ee garaacday Newcastle horyaalka xilli ciyaareedkan, ma arko inay sameynayaan mar kale sidaas darteed waxa aan saadaalinayaa bar-baro”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept