Muxuu Pierre-Emerick Aubameyang Sameeyay Markii Ay Chelsea Ka Saartay Liiska Champions Legaue.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u muuqda inuu ka dhoofay UK ka dib markii laga saaray kooxda Chelsea uga qayb galaysa champions League qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
33-sano jirkaan oo Stamford Bridge ku soo biiray xagaagii ayaa laga saaray Liiska 25 xiddig ee champions League galabnimadii jimcihii iyada oo lagu badalay xiddigaha yimid kooxda suuqii January.
- Advertisement -
Joao Felix, Mykhailo Mudryk iyo Enzo Fernandez ayaa lagu daray Liiska kadib markii ay suuqii january ku soo biireen kooxda.
Waxa Aubameyang xaalka ku sii xumeeyay in laga saaray xiddigihii chelsea uga qayb galay kulankii premier League ee jimcihii ay la ciyaareen Fulham.
Halkii uu Stamford Bridge aadi lahaa si uu ula socdo ciyaarta xiddiga reer Gabon ayaa u duulay magaalada Milan si uu wakhtigiisa ugu raaxaysto.
Aubameyang Ayaa baraha bulshada soo dhigay sawiro uu wakhti la qaadanayo qoyskiisa xilli ay kooxdiisu ciyaarayso kulan muhiim ah.