Muxuu Carlo Ancelotti Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Real Sociedad.
Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay bar-barihii gool la’aanta ee ay kooxdiisu la gashay Real Sociedad Kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.
Real Madrid ayaana ku guuldareysatay inay ku badiso garoonka Santiago Bernabeu iyada oo haatan 5 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona.
- Advertisement -
Ancelotti ayaa yiri””Waan ku qanacsanahay, kooxdu waxay u ciyaartay qaab aad u wanaagsan, waxaana u maleynayaa inaan wax walba u samaynay in aan badano 90-kii daqiiqo”.
Tababaraha Meringue ayaa hadalkiisa raaciyay: “Real Sociedad uma ciyaarin qaabkii caadiga ahaa, cadaadis ayaan saarnay iyaga, awooda qaab ciyaareedka ayaa sare u kacday ilaa dhamaadka”.
Macallinka reer Talyaani oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Sababta aan laba badal oo kaliya u sameeyay ayaa ahayd in ay kooxdu ahayd kuwo fiican mana doonayn in aan badalo”.