Mudada Uu Ousmane Dembele Garoomada Ka Maqnaan Doono Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Oo La Ogaaday

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu garoomada ka maqnaan doono labo ilaa afar todobaad sabab la xidhiidha dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Girona ee sabtidii.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta daqiiqadii 26-aad waxana ay kooxdu xaqiijisay ciyaarta kadib in uu ka dhaawacmay muruqa bawdada lugta Bidix.

- Advertisement -

Barcelona ma aysan qaban waqti uu ku soo kabsanayo xiddigu laakiin sida laga soo xigtay saxafiga Adria Albets, weeraryahanka ayaa wajahaya labo ilaa afar todobaad oo uu garoomada ku maqnaan doono.

Kadib ciyaartii Girona ee ay Barcelona ku badisay gool uu dhaliyay Peri, Xavi ayaa sheegay in dhaawaca Dembele uu dhinaca kale u rogay qorshaha Kooxda.

25 jirkan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 8 gool halka uu caawiyay 7 kale 28 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept