Mount, Neymar, Messi, Sabitzer, Dalot & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.
Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa kala iibsigu hadana arintaas ayaan kooxaha ka hor istaagayn in ay qorshayso saxiixyada ay u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga.
Kooxaha kala duwan ayaa haatan lala xidhiidhinayaa xiddigaha ay u dhaqaaqi karto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
- Advertisement -
Hadaba waxa aan halkan ku so bandhigi doonaa si maalin leh wararkii ugu dambeeyay ee kooxaha iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo ka hor suuqa Xagaaga.
Kooxaha Liverpool, Man City iyo Man United ayaa isku baacsanaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Mason Mount (ESPN).
Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Mason Mount u adeegsan doonto sidii ay qaab toos ah ugu wareegi lahayd xiddiga Joao Felix (MARCA).
Kooxaha Liverpool, chelsea, Man United iyo Man City ayaa dhamaantood loo soo bandhigay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar (90min).
Xiddiga Lionel Messi ayaan ku laaban doonin kooxda Barcelona sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay xiddiga (Mail).
Kooxda Bayern Munich ayaa dhigeeda Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 18 milyan oo euro si ay ula wareegto xiddiga Marcel Sabitzer (Bild).
Kooxda Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u dirtay daafaca kooxda Sporting Lisbon ee Gonçalo Inácio (OJogo).
Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Man United daafaca Midig uga ciyaara ee Diogo Dalot (AS).
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Marcus Rashford (Mundo Deportivo).
Liverpool ayaa iska dirtay 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah kana mid yihiin Matip Iyo Fabinho (teamtalk).