Miyuu Virgil van Dijk Ciyaarayaa Kulanka Newcastle? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay dhaawaca Virgil van Dijk ka hor kulanka ay Liverpool u safrayso kooxda Newcastle kulan ka tirsan premier League.

Van Dijk ayaa ahaa kayd aan la isticmaalin kulankii ay Liverpool 2/0 uga badisay kooxda Everton Isniintii.

- Advertisement -

31 jirkan ayaa ku soo laabtay kooxdiisa kadib markii uu dhaawaca kaga maqnaa 3-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Laakiin waxa laga yaabaa in uu ku bilowdo shaxda Reds kulanka Newcastle sida uu xaqiijiyay tababare jurgen Klopp.

Markii la waydiiyay in uu Van Dijk diyaar u yahay kulanka Newcastle ee  horyaalka premier League ayuu Klopp yidhi” Haa, waxan u malaynayaa in uu diyaar yahay waxa uu qaatay tababar wuuna fiicanyahay”.

“Waxa aan qaadan doonaa go’aanka maalinta bari ah laakiin hada waa fiicanyahay”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept