Miyuu Thomas Partey Taam U Yahay Kulanka Arsenal La Ciyaari Doonto Leicester City? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey taam u yahay kulanka ay Gunners la ciyaari doonto Leicester City.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Ghana ayaa ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah.
- Advertisement -
Laakiin waxa uu ku soo laabtay tababarka buuxa horaantii todobaadkan taas oo la macno ah in uu ciyaari karo kulanka.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka, Arteta ayaa yidhi”Thomas tababar badan ma qaadan laakiin waxa u u muuqdaa in uu ciyaari karo”.
Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ayaa muhiim ka ah kooxda Arsenal waxana uu si joogto ah ugu ciyaaraa kooxda marka uu taamka yahay.