Miyay Liverpool Samaynaysaa Saxiixa Cusub Ka Hor Maalinta Ugu Dambaysa Suuqa January, Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Guuldaradii labaad ee ka soo gaartay Brighton ayaa muujisay in Liverpool ay si deg deg ah ugu baahan tahay ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah, maadaama ay qeybtii labaad soo galeen Henderson, Fabinho iyo Jones.

Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Reds aysan isku dayi doonin inay ciyaaryahan cusub keenaan bishaan inkastoo ay jiraan warar xan ah.

- Advertisement -

“Ma jiraan wax dhici doona suuqan kala iibsiga, haba yaraatee” ayuu Klopp u sheegay BT Sport kadib guuldaradii Brighton.

“Waxa aan sii adeegsan doonaa xiddigaha haatan aan haysano”ayuu sii raaciyay.

Cody Gakpo ayaa ah ilaa haatan xiddiga kaliya ee ay kooxda Liverpool la soo saxiixatay suuqa kala iibsiga January.

Reds ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigo kale dhexe ah laakiin waxa ay u muuqataa in ayna Liverpool wax saxiixyo ah samayn doonin suuqa January.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept