Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababta Uu Kaydka U Dhigay Gabriel Martinelli Kulanka Aston Villa.

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in doonayay in uu dar-dar ku soo kordhiyo weerarkiisa sababtaas darteedna kaydka u dhigay xiddiga Gabriel Martinelli uguna bilaabay xiddiga Leandro Trossard kulanka Aston Villa.

Gunners aya kulan muhiim ah la ciyaaraysa kooxda Aston Villa iyaga oo doonaya in ay ka baxaan guul la’aanta kulamadii ugu dambeeyay.

- Advertisement -

Arteta ayaa la waydiiyay sababta uu kaydka u dhigay xiddiga Gabriel Martinelli uguna bilaabay xiddiga Leandro Trossard kulanka Aston Villa.

“Waa in aan Leandro Trossard siinaa fursad sababta oo ah waxa uu u qalmaa in uu ku bilowdo ciyaarta”.

“Waxa uu saamayn ku lahaa kooxda kulamadii ugu dambeeyay waxana aan doonaynaa in aan dar-dar ku soo kordhino weerarka’ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept