Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Khaladkii Uu Sameeyay Takehiro Tomiyasu Kulankii Man City.
Mikel Arteta ayaa sheegay inuusan waligiis arkin Takehiro Tomiyasu laba khalad oo isku mid ah kadib markii uu kooxda Man City u hibeeyay goolkii 1-aad ee ay dhalisay kulankii Arbacadii.
Xiddiga khadka dhexe Kevin De Bruyne ayaa ka faa’iidaystay kubbad uu Tomiyasu u celiyay Goolhayihiisa waxana uu u dhiibay hogaanka ciyaarta.
- Advertisement -
City ayaa ugu dambayn 3/1 kaga badisay kooxda Arsenal iyaga oo haatan hogaanka u haya horyaalka premier Legaue oo ay ku hayaan farqiga goolasha.
“Waa wax aad u adag in lagu ciyaaro heerka ay kaaga baahan yihiin inaad u ciyaarto si aad fursad ugu hesho guusha,” Arteta ayaa yidhi ka dib guuldaradii Arsenal.
Ma garanayo inay tahay khibrad ama nasiib xumo. Weligay ma arag Tomiyasu oo dib u soo celinaya intii uu joogay kooxda laakiin maanta wuu sameeyay”.