Maxay Aheyd Sababtii Messi Xalay U Xertay Lambarka 10-aad Kulankii Marseille?

Messi ayaa xalay ku soo muuqday maaliyadda lambarkeeda yahay 10-ka ee uu leeyahay saaxibkiisa Neymar kulankii kooxdiisa PSG ee xalay

PSG ayaa xalay la  kulantay guul darro 2/1 ka dib kulan ay la ciyaareen kooxda Marseille waxa uuna ka tirsanaa wareegga 16-aad ee Coupe de France

- Advertisement -

Messi ayaa lambarkaas 10-aad muddo sanado badan u soo xernaa koxodiisa hore Barcelona  illaa haatan qarankiisa ayuu u xeran yahay balse markii uu PSG yimid waxa uu go`aansaday in uu xereto lambarka 30-ad una daayo kan 10-aad saaxibkiisa Neymar.

Balse kulankii xalay Neymar waxa uu lambarkaas u tanaasulay saaxibkiisa Messi , waxa ayna tani keentay su`aalo badan  oo la xariirta sababta ka dambeysay umuurtaas la is weydiiyo xilli Neymar isna uu ku soo muuqday lambarka 11-aad

Hadaba sababta waxa ay tahay in tartankaas Coupe de France wxaa uu ka duwan  yahay tartamada kale ee PSG ka qeyb galeyso , tartankaan waxa uu ciyaartooyda asaasiga ah  ku qasabayaa in ay xertaan lamabarada 1 ilaa 11-aad  , sidaa darteed ma jirto micno kale oo ka dmabeeyay sida laga soo xigtay wargeyska La Monde ee France

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept