Man United Oo Loo Sheegay Laba Xiddig Ee Ku Hogaamin Kara Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.
Manchester United ayaa kaliya labo ciyaaryahan u jirta inay ku guuleysato Premier League, sida uu qabo Robbie Savage.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ayaa aaminsan in saxiixa xiddigaha Frenkie De Jong iyo Harry Kane ay ka dhigayso kooxda in ay ku tartamaan horyaalka premier League.
- Advertisement -
“Saxiixa Harry Kane iyo Frenkie De Jong waxa ay Man United ka dhigaysaa kuwo ugu cad-cad ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedka dambe”ayuu Savage yidhi.
“Haddii ay keenaan laba ciyaaryahan oo muhiim ah xagaaga sidoo kale kooxdu hesho miisaaniyad fiican marka ay kooxdu milkiile cusub yeelato United waxa ay u tartami doonaan premier League”.
Man United ayaa xiddiga De Jong si weyn loola xidhiidhinayay xagaagii iyada oo kooxdu wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga khadka dhexe.