Mallorca Oo Hadiyad Dahabi Ah U Dirtay Barcelona, Real Madrid Ayay Cirka Ku Dubteen.
Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Mallorca kulan uu Ancelotti si badal weyn ku sameeyay shaxdiisa.
Ancelotti ayaa sabab kala duwan awgeed shaxdiisa ugu sameeyay is badal weyn isaga oo kaydka dhigay xiddigo badan oo kooxdiisa ah.
- Advertisement -
Los Blancos ayaa doonaysay in ay gaadho guul ay cadaadiska ku sii saarto kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Barcelona.
Laakiin Real Madrid ayaa dareentay maqnaanshaha iyo xiddigaha ka maqan waxana ay ku dhibaatoodeen kulanka.
Kooxda Mallorca ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay in ay Real Madrid kaga dhaliso goolka furitaanka ciyaarta.
Daqiiqadii 13-aad yaya Mallorca heshay goolka 1aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Nacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Mallorca ku hogaaminayso.
Real Madrid ayaa isku dayday in ay wax walba u samayso sidii ay u soo laaban lahayd una dhalin lahayd goolka bar-baraha.
Laakiin Mallorca ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda isla markaas Real u diiday in ay u dhawaadaan goolka.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Mallorca hogaaminayso xilli ay Real Madrid ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato ciyaarta.
Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.
Los Blancos ayaa samaysay fursado is daba joog ah laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan fursadihii ay samaynayeen.
Daqiiqadii 60-aad ayaa Real Madrid loo dhigay rikoodhe kadib markii uu Goolhayaha Mallorca khalad ku galay xiddig kooxda Real Madrid ah.
Waxa rikoodhada u istaagay xiddiga Marco Ansensio kaas oo doonayay in uu bar-baraha u dhaliyo kooxdiisa ciyaartan aku soo celiyo.
Laakiin Goolhayaha Mallorca ayaa si cajiib ah uga babaadiyay una diiday Real In ay dhaliyaan goolka bar-baraha.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Mallorca garaacday Real Madrid isla markaas hadiyad qaali ah u dirtay Barcelona tartanka La Liga.