Liverpool Oo Ugu Cad-Cad Saxiixa Xiddig Premier League Ka Ciyaara.
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolverhampton Wanderers ee Matheus Nunes xagaagan.
In kasta oo uu sannadkii hore oo kaliya ku biiray kooxda Wolves uguna soo biiray lacag rikoodh ah oo dhan 42.2 milayn euro Nunes ayaa ku dhibaatoonaya in uu la qabsado premier League.
- Advertisement -
Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa la sheegay inay muddo dheer la dhacsan tahay 24-jirka reer Portugal, waxaana ay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Xiisaha Liverpool ayaa imanaya inkasta oo uuna Nunes wax gool ah dhalin 29 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Wolves xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo Football Insider ah, Wolves ayaa lagu qasbi doonaa inay hoos u dhigaan qiimaha ay ku doonayaan Nunes kuna iibiso 20 ilaa 30 milyan oo euro Liverpool ayaana diyaar u ah in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Intii lagu guda jiray kulankii Wolves ee Premier League ee ay la ciyaareen Leeds United Sabtidii Nunes ayaa kaarka cas loo taagay inkasta oo uu kaydka ku jiray intii ay ciyaartu socotay.
Related