Lionel Messi Oo Ronaldo Kula Midoobi Kara Horyaalka Sucuudiga & Faah-Faahinta Heshiiska Waalida Ah.
Saudi Arabia ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay Lionel Messi u soo bandhigto mushahar ku kacaya 193 milyan oo euro sanadkii si uu ugu biiro kooxda Al-Hilal.
Horaantii sanadkan, Cristiano Ronaldo waxa uu qaatay go’aanka uu heshiis qaali ah ugu biiray kooxda Al-Nassr wax yar ka dib markii uu dhammaaday waqtigiisii Manchester United.
- Advertisement -
Wixii markaas ka dambeeyay, Saudi Pro League waxa ay ka faa’iideysteen indho badan oo daawanaya kubaddooda, kooxda Ronaldo ayaa hadda hal dhibic ka hooseysa hogaamiyayaasha Al-Itixaad.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa si wanaagsan loo diiwaangeliyay dhowr bilood in ay jirto rabitaan ah in la soo jiito magacyo caalami ah oo dalka ku soo gala wakhtiga ku habboon.
Messi, sababo muuqda dartood, ayaa lagu sheegayaa in uu Ronald kula midoobayo horyaalka Sucuudiga xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda PSG.
Sida laga soo xigtay Marca, Sacuudi Carabiya ayaa diyaar u ah inay Messi miiska u saarto mushahar aad u sareeya si uu Ronaldo ugula midoobo horyaalka Sucuudiga.
Warka ayaa intaas ku daraya in dawlada sucuudigu diyaar u tahay in ay badasho sharciga mushaharka si uu Messi u yimaado horyaalka dalkaas.
Related