Lambarka Uu Jorginho U Xidhan Doono Arsenal Oo La Ogaaday.

Saxiixa cusub ee kooxda Arsenal Jorginho ayaa kooxdiisa cusub u xidhan doona No.20 kadib markii uu Ku Biiray Gunners.

Arsenal ayaa haatan si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa Jorginho kalana soo wareegtay kooxda Chelsea.

- Advertisement -

Xiddiga reer Italy ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay samaysay kooxda Arsenal suuqa January.

Xiddiga oo kooxda chelsea horay ugu soo xidhan jiray No.5 ayaa haatan Arsenal u xidhan doona No.20 inta uu joogo Gunners.

Jorginho ayaa Arsenal u saxiixay heshiis hal sano ah halka ay kooxdu ku dartay hal sano oo dheeraad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept