Laba Koox Ingiriiska Oo Isha Ku Haya Saxiixa Mount

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso wax walba oo ku soo kordha mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Mason Mount.

Tan iyo markii loo soo dalacsiiyay kooxda koowaad sanadkii 2019, Mount ayaa u saftay kooxda 190 kulan tartamada oo dhan.

- Advertisement -

Si kastaba , haatan Mount ma aha dookha asaasiga ee tababare Graham Potter , mana damacsana Chelsea in ay hishiis cusub siiyaan laacibka

Hishiiska Mount ee Chelsea waxa uu dhacayaa 2024-ka waxaana sidoo kale laga doonayaa banaanka horyaalka Ingiriiska

Warbixinta ayaa sheegtay in Man United iyo Manchester City ay hadda isha ku hayaan xaaladda laacibka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept