La Ogaada: Arsenal Oo Ku Hungawday Dalab Aad U Sareeya Oo Ay Ka Gudbisay Saxiixa Xiddig Ay Horay U Doonaysay Ka Hor Intii Ayna U Dhaqaaqin Trossard

Arsenal ayaa ku guuldareysatay dalab ay ka gudbisay weeraryahanka Barcelona Raphinha suuqii bishii January sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in Gunners ay dalab 70 milyan ah ka gudbisay xiddiga reer Brazil suuqii January si ay u hesho saxiixiisa.

- Advertisement -

Laakiin dalabkaas ayaa isla markiiba laag diiday maadama ayna Barcelona doonayn in ay xiddiga iska iibiso bartamaha xilli ciyaareedka.

Raphinha ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa Arsenal xagaagii hore ka hor inta uusan ka tagin Leeds kuna biirin Barca.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga reer Brazil ka bixisay lacag dhan 58 milyan oo euro markii uu kaga soo biiray Leeds United.

Ka dib markii ay diiday Barca, Arsenal ayaa dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga Leandro Trossard, kaasoo ay kala soo wareegeen Brighton maalintii ugu dambeysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept