Kylian Mbappe Oo La Xaqiijiyay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono, Miyuu Seegayaa Kulanka Bayern Munich.
Kooxda PSG ayaa shaacisay in uu xiddiga Kylian Mbappe garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Montpellier.
Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka lugta 1-aad ee ay PSG la ciyaari doonto Bayern Munich wareega 16-ka champions League.
- Advertisement -
Xiddiga 24 jirka ah ayaa daqiiqadii 21-aad dhaawac uga baxay kulanka kadib markii uu ka dhaawacmay muruqa dambe.
Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda PSG maadama uu Mbappe ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda isla markaas goolal badan u dhaliyay.
Kooxda PSG ayaa la ciyaari doonta kooxda Bayern Munich 14 bishan haatan lagu jiro kulanka lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.
Mbappe ayaa liiska dhaawaca kula biiray xiddiga Neymar kaas oo dhinaciisa dhaawac muruqa ah uga maqnaa kulankii Montpellier ee uu Mbappe ku dhaawacmay.