Klopp: Waan Ka Fiicnayn Sidii Kulankii Todobaadkii Hore.
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Brighton kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka.
Liverpool ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay Brighton iyaga oo ka hadhay koobka FA Cup-ka oo ay difaacanayeen xilli ciyaareedkan.
- Advertisement -
“Waxan luminay kubado aad u fudud mar kale”ayuu Klopp yidhi.
“Waxay dhaliyeen laba gool oo ay ka dhaliyeen kubado karoos ah, wayna adagtahay in la aqbalo”.
“Laakiin waxa aan u ciyaarnay si ka fiican sidii todobaadkii hore, laakiin waxa aan qaban karnaa wax ka fiican waxa aan qabanay”.