Karim Benzema Oo Ka Hadlay Kooxda Uu Doonayo In AY Real Madrid Ku Aado Wareega 8 Dhamaadka.

Xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka hadlay isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Jimcaha ayaa la samayn doonaa isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka iyada oo kooxuhu sugayaan kooxaha ay ku aadi doonaan.

- Advertisement -

Benzema ayaa si cad carabka ugu adkeeyay in ayna kooxdiisu ka cabsi qabin in ay ku aado kooxda Man City wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Benzema oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Uma malaynayo in aan ka cabsanayno MaN City, dhamaan kooxuhu waa kuwo cajiib ah”.

“Wareegan champions League ma jirto koox yar ama koox jilicsan, dhamaantood waa isku mid sidaas darteed aan aragno kooxda aan ku aadno”.

Man City ayaa 7/0 ku xasuuqday kooxda RB Leipzig kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa wareega 16-ka champions League.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept