Kadib Ciyaar Xaraarad Leh, Barcelona Iyo Man United Oo Bar-Baro Ku Kala Baxay Kulan Europa League Ahaa

Kadib kulan xiiso leh kooxda Man United iyo Barcelona ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa tartanka Europa League.

Kulanka oo ka dhacay Camp Nou ayaa ka tirsanaa kulamada kala baxa ah ee tartanka Europa League ee tartanka.

- Advertisement -

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo heer sare ah.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro iyaga oo aan wax goolal ah kala dhalin.

Laakiin qaybta dambe ayaa ahayd mid cajiib ah iyada oo ay labada kooxood si waali ah u ciyaareen mid walbana donayeen in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 50-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Marcos Alonso kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Man United ayaa si deg-deg ah uga jawaabtay goolka laga dhaliyay kadib markii ay daqiiqadii 52-aad dhaliyeen goolka waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford.

Kulanka ayaa halkaas xiiso ka yeeshay waxana ay raadinayeen labada kooxooda goolal ay ciyaarta hogaanka kula wareegaan.

Daqiqiadii 59-aad ayay Barcelona heshay goolka 2-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Jules Kounde kaas oo kooxdiisa ka dhaliyay goolka.

Man United ayaa marar badan isku daydya in ay sii dheeraysato hogaanka ciyaarta xilli ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan ciyaarta.

Sidoo kale Barcelona ayaa helaysay fursado cajiib ah waxana ay doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal ay ku bar-bareeyaan.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 79-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Rapinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro ka hor kulanka lugta 2-aad ee ka dhici doona Old Trafford.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept