Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd Man United Iyo Leeds Oo Barbar Dhac Ku Hishiiyay

Sheekada qeybta hore :Leeds ayaa nasiinada ugu dirtay United hal gool oo nadiif ah kaasi oo dhashaqay daqiiqadii 1 aad ee ciyaarta

Leeds kubad geesinimo leh ayay ciyaarayeen inkastoo United u ogalaadeen in kubadda maamulaan waliba heer gaarayay %70

- Advertisement -

United xoogaa dabacsanan garabka bidix ayaa muuqaneysay halka sidoo kale ka sheegteen kubad celin mararka qaar laga maarmi karay

Leeds rogaal celiska ah ayay ku tiirsanayeen mararka qaarna waa u dhawaanayeen goosha United balse qasaaro ayay ka sheegteen

Soo laabashadii , United isku dayo ayay sameeyeen  balse dabacanaan  qadka dhexe ayaa jirtay taasi oo keentay in gool labaad oo uu si qaldan isaga dhaliyay Varane daqiiqadii 48-aad

Sidaas oo ay tahay United iyaga ayaa ku sareeyay kubadda  mararka qaar halis ayay ahaayeen .

Dadaalkii United waxaa ku yimid gool uu saxiixay Rashford daqiiqadii 63 waxaana muuqaneysay  in United wax waliba laga filan karay

Leeds cadaadis ayaa saarmay United fax fax ayay ahaayeen oo waa laga filan karay gool labaad waxaana bar bar dhac cajiib ah dhaliyay Sancho daqiiqadii 71.

Ka dib dhacdooyinkaas United waxa ay soi xoojiyeen maamulka kubadda iyagana ayaana cagta ku hayay waliba waa la filan karay gool sedexaad

Leeds waxaa ka muuqday  qal qal oo daafac ayay ku aruureen waana adkeyd in kubadda cagtooda ku daahiyaaan  xilli goolhayaha Leeds daqiiqadii 77 aad ug bad badladiyay gool xaqiiq ahaa

Dhamaadkii xaraarad ayay yeelatay ciyaarta waliba deg degsiimo waxaana muuqaneysay ifafaalo gool.

Leeds daafac ahaan waa adkaayeen daqiiqadihiu geerida xilli United kubadda si sahal ah u qasaarinayeen inkastoo fursad laga hor istaagay

Si kastaba ha ahaatee goolhayaha Leeds doorkiisa ayuu qaadanayay waana hor taagnaa United kuwaas maamulka qadka dhexe si wacan u maamulayayiyadoo Leeds ay ka muuqatay daal

Ugu dambeyn waxa ay ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhacaas min labada gool

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept