Juventus Oo Doonaysa Xiddig Lumiyay Kalsoonida Mikel Arteta.

Daafaca bidix ee kooxda Arsenal Kieran Tierney ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Juventus sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Scotland ayaa Arsenal ku soo biiray xagaagii 2019 waxana uu muhiim ka nqoday kooxda markii uu Unia Emery hogaaminayay kooxda.

- Advertisement -

Laakiin dhaawacyo ayaa hoos u dhigay ciyaaristiisa kooxda Arsenal waxana uu aatan ka dambeeyaa xiddiga Oleksandr Zinchenko.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa Arsenal kula jira heshiis ilaa xagaaga 2026 ah laakiin waxa laga yaabaa in uu isaga tago Arsenal si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Kieran Tierney ayaa ku bilowday dhamaan kulamadii Europa League ee Arsenal laakiin waxa uu dookja 2-aad yahay tartanka Premeir League.

Sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, Juventus ayaa doonaysa in ay xiddiga maalmaha ugu dambeeya ee suuqa January la wareegto xiddiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept