Jorginho Oo Shaaca Ka Qaaday Hadalkii Uu Mikel Arteta U Sheegay Kooxdiisa Kulankii Aston Villa Ee Ka Caawiyay In Ay Garaacdo Aston Villa.
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Jorginho ayaa sheegay in hadal uu jeediyay tababare Arteta qaybtii Nasashada uu ka dambeeyay guushii soo laabashada lahayd ee ay Arsenal ka gaadhay kooxda Aston Villa.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ku soo laabatay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay Garaacday Aston Villa isla markaas Man City dhibco lumisay kulankeedii.
- Advertisement -
Jorginho oo door muhiim ah ka qaatay goolkii 3-aad ee ay Arsenal ka dhalisay Aston Villa ayaa sheegay in Hadal jeedin uu sameeyay Mikel Arteta uu ka dambeeyay guushii soo laabashada lahayd ee ay ka gaadheen Aston Villa.
“Kani waa premier League”ayuu Jorginho yidhi “Waana Sababta uu u yahay horyaalka ugu fiican adduunka”.
“Aad ayay muhiim u ahayd in aan guul gaadhno kadib natiijooyinkii ugu dambeeyay ee aan helnay, bilawgiina ma fududeyn”.
“Laakiin waxa aan gaadhnay qolka Labiska qaybtii Nasashada waxa aan wada yeelanay hadal kadib waxa aan galnay qaybta dambe waxana aan soo bandhignay qaab ciyaareed fiican”.