Joao Felix Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Chelsea Ka Hor Kulanka Fulham.

Xiddiga kooxda chelsea ee Joao Felix ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa chelsea ka hor kulanka Fulham ee horyaalka premier League.

Joao Felix Ayaa todobaadka dambe qaadan doona kulankiisii ugu dambeeyay ee uu ku seegayay ganaaxa kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay kulankiisii ugu horeeyay.

- Advertisement -

Kulanka Fulham ayaa noqon doona kulankii ugu dambeeyay ee ganaaxiisa waxana uu wixii ka dambeeya ciyaari doonaa kulamada kooxdiisa chelsea.

Joao Felix Ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa ka hor kulaka Fulham waxana uu uga mahad celiyay taageerada ay la garab istaageen.

Xiddiga reer Portugal ayaa boggiisa Instagram-ka soo dhigay sawir iyo qoraal uu kaga hadlayo sida uu diyaarka ugu yahay kulamada soo socda ee kooxda.

Joao Felix yidhi”Ma ahan sida ay wax ku bilowdaan laakiin waa sida ay wax ku dhamaadaan”.

“Dhawaan ayaan soo laabanayaa Blues, waad ku mahadsantihiin taageerada”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept