Jamie Carragher: Man United Haatan Dagaal Ayay Ugu Jirtaa U Soo Bixista Champions League Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in Manchester United ay waayi karto booska 4-aad ee loogu soo boxo champions League.

Daaficii hore ee Liverpool ayaa aaminsan in Red Devils aysan wali dammaanad qaadin u soo bixida Champions League.

- Advertisement -

Kooxda Erik ten Hag ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta waxana ay ugu cad-cad yihiin in ay sii haysan karaan booskooda dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo ka dambeeya Arsenal iyo Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, Jamie Carragher ayaa sheegay in Newcastle United iyo Tottenham Hotspur ay gabi ahaanba bedeli karaan dhaqdhaqaaqa afarta sare ee tartanka.

Daaficii hore ee Liverpool ayaa u sheegay Sky Sports:”Natiijada waxa ay la macno tahay in ay Man United dib ugu soo laabanayso tartanka ay ugu jirto kaalinta 4-aad, wali lama gaadhin in ay Man United xaqiisatay booska kaalinta 4-aad, Gry Neville waxa uu xitaa u saadaaliyay Man United kaalinta 4-aad laakiin waxa ay haatan u muuqataa in ay dagaal ugu jiraan kaalinta 4-aad, gaar ahaan in ay Newcastle la ciyaarayso Man United kulanka xiga, waxa weyn ayaa ah in ay United la ciyaarayso Newcastle iyo Tottenham”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept