Hordhac: Leicester City vs Arsenal: Gunners Oo Rikoodh Wareer Ah Ku Leh Kooxda Dacawooyinka.

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqonaysa kooxda Leicester City kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka King Power.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha isla markaas sii haysato 2-da dhibcood ee ay ku hogaaminayso horyaalka.

- Advertisement -

Dhinaca kale Leicester City ayaa doonaysa in ay ka soo laabato guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Man United todobaadkii hore.

Kulanka: Leicester City Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: King Power

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leicester ayaa laga yaabaa in shan kulan oo isku xigta oo horyaalka ah guuldaro kala kulanto Arsenal markii ugu horeysay muddo 91 sano ah.

Arsenal ayaa doonaysa  in ay saddex kulan oo isku xigta oo ay martida tahay ay guul ka gaadho Foxes markii ugu horaysay tan iyo 1925 kii.

Gunners ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti u ahayd Leicester tartamada oo dhan.

Gunners ayaa heysata rikoorka ugu fiican marka ay martida tahay horyaalka premier League xilli ciyaareedkaniyaga oo 28 dhibcood helay isla markaas 7 dhibcood ka badan koox kasta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept