Hordhac: Chelsea Vs Southampton: Kooxda Martida Oo Hamineysa Rikoor 30 Sano Ka Maqan

Kooxda Chelsea ayaa  marti galinaysa kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacaya Stamford Bridge.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka baxaan kulamo ayna wax guul ah gaadhin xilli ay Southampton dhibaatoonayso dhinaceeda.

- Advertisement -

Kulanka: Chelsea Vs Southampton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:000

Garoonka: Stamford  Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa rikoor fiican oo taariikhi ah ka heysata Southampton, waxaana ay badiyeen 49 ka mid ah 112-kii kulan ee ay ciyaareen labada kooxood, halka Southampton ay badisay 32 kulan.

Chelsea ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay Southampton ciyaartii ka dhacday St. Mary’s Stadium sannadkii hore, lagamana badin kulamo xiriir ah oo horyaalka ah oo ay la ciyaartay Saints tan iyo December 1993kii.

Southampton ayaa isha ku haysa in ay dhamaystirto laba kulan oo horyaalka ah oo ay ka badiso chelsea markii ugu horaysay tan ilaa 1987/1988 markaas oo Alan Shearer uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay kooxda.

Chelsea ayaa barbaro gashay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka Premier League – waana rikoodhkoodii ugu dheeraa tan ilaa 2006/2007.

Southampton ayaa shabaqeeda ilaashatay kaliya hal kulan 28-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League waxana ay guushii ugu dambaysay gaadhay October 2021 markaas oo ay 1/0 uga badisay Bournemouth

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept