Harry Maguire Oo Ka Jawaabay Dalabkii Ay Inter Milan Ka Soo Gudbisay Saxiixiisa.

Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa diiday inuu amaah ugu biiro Inter Milan, sida ay wararku sheegayaan.

Maguire ayaa ku dhibtoonayay inuu ciyaaro Old Trafford tan iyo markii uu yimid tababare Erik ten Hag xagaagii.

- Advertisement -

29 jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara oo muhiim u ah England ayaa saftay kaliya 16 kulan xilli ciyaareedkan, waxaana uu daqiiqad ahaan ciyaaray 801 daqiiqo.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Maguire ayaa fursad u helay inuu amaah ugu biiro kooxda reer Talyaani ee Inter Milan suuqa January laakiin daafaca ayaa iska diiday.

Maguire ayaa heshiis ilaa xagaaga 2025 ah kula jira Man United iyo hal sano oo dookh ah laakiin waxa uu isaga tagi doonaa kooxda United xagaaga hadii uu dib u heli waayo booskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept