Halkee Ayuu Marayaa Tartanka Gool Dhalinta Premier League.
Gool dhalinta horyaalka Premier League ayaa u muuqata kuwo lagu kala baxayo inkasta oo uu xilli ciyaareedku marayo bartamihiisii.
Xiddiga Man City ee Haaland ayaa sii wada wacdarihii uu ku bilowday xilli ciyaareedka waxnaa u si raaxo leh ku hogaaminayaa gool dhalinta premier League.
- Advertisement -
Haaland ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League dhaliyay 25 gool 21 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedka.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo dhaliya 17 gool taas oo la macno ah in uu 8 gool ka dambeeyo xiddiga Haaland ee hogaaminaya gool dhalinta.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Brentford ee Ivan Toney kaas oo dhaliyay 13 gool halka uu ku xigo xiddiga Fulham ee Aleksandar Mitrovic kaas oo leh 13 gool.
Waxa 10 gool wada leh xiddigaha Man United iyo Leeds ee Marucs Rashford iyo Rodrigo Moreno kuwaas oo xilli ciyaareed fiican qaadanaya.
Haaland (Man City) 25 gool
Harry Kane (Tottenham) 17
Ivan Toney (Brentford) 13
Aleksandar Mitrovic (Fulham) 11
Marcus Rashford (Chelsea) 10
Rodrigo Moreno (Leeds) 10