Graham Potter Oo Shaaca Ka Qaaday In Dil Loogu Hanjabay Isaga Iyo Qoyskiisa, Sabab.

Tababaraha Kooxda chelsea Graham Potter ayaa shaaca ka qaaday in fariimo dil ah lo soo diray isaga iyo qoyskiisa sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka Liita ee ay ku jirto kooxda chelsea.

Chelsea ayaa ku jirta xaalad aad u adag iyada oo ku jirta kaalamaha dhexe ee horyaalka premier Leageu.

- Advertisement -

Blues ayaan wax guul ah gaadhin 5-tii kulan ee ugu dmabeeyay tartamada oo dhan iyada oo ku dhibaatoonaysa qaab ciyaareedka.

“Inkasta oo aan haysto taageerada qaar, waxa jira qaar ii so diray fariimo dil ah aniga iyo caruurtay”ayuu Potter yidhi.

“Waa arin iska caadi ah hadii lagu dheleeceeyo laakiin ma fahmin sababta dilka la iigu hanjabatyo, waana sida ay tahay”.

Chelsea ayaa Axda la ciyaari doonta kooxda Tottenham kulan ka tirsan premier League waxana uu rajaynayaa in ay kooxdiisu ku soo laabato wadada guulaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept