Gary Neville Oo Magacaabay Kooxda Ay Liverpool Kala Baxayso Kaalinta 4-aad.
Gary Neville ayaa aaminsan in Liverpool ay Newcastle United ka qaadi doonto kaalinta 4-aad ee premier League sabab la xidhiidha khibrada Reds.
“Kaliya waa in ay Newcastle United khibrad leedahay iyo in kale marka la gaadho 6-da kulan ee ugu dambeeya”ayuu Neville u sheegay Sky sPORT.
- Advertisement -
“Tottenham Waxa ay leedahay khibrad, Liverpool way leedahay, Man United way leedahay, waa waxa kaliya ee aan odhan karo way shaqayn doontaa 10 kulan ee ugu dambeeya”.
“Haddii ay ku dhamaystaan kaalinta 5-aad ama 6-aad waxa ay odhan doonaan waa xilli ciyaareed cajiib ah”.
Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 6-aad iyaga oo leh 42 dhibcood 7 dhibcoodna ka dambaysa kooxda Kaalinta 4-aad ee Tottenham.
Related