Gary Neville Oo Badalay Saadaashiisii Premier League & Arsenal Oo Sabab U Ah.

Gary Neville ayaa ugu dambayn qirtay in Arsenal ay ku garaaci karto Manchester City horyaalka Premier League wuxuuna sheegay in Pep Guardiola uu si xad dhaaf ah u qasay kooxdiisa.

Daafacii hore ee garabka midig ayaa mar walba u hiilin jiray kooxda heysata horyaalka si ay u difaacdaan horyaalka waxana uu mar walba ku qanacsanaa in ay Arsenal bur-buri doonto isaga oo xitaa saadaaliyay in ay Man United ka sare mari doonto Gunners.

- Advertisement -

Inkasta oo ay Arsenal guuldaro kala kulantay Everton, Neville ayaa haatan badalay saadaashiisa waxana uu Arsenal u saadaaliyay in ay Man City ku garaaci karto horyaalka premier League.

“Waxaan u maleynayaa inay si fiican u ciyaareen kulankii Everton, uma malaynayo in ay xumaayeen, laakiin dhinaca natiijada way u xumayd”ayuu Neville yidhi.

“Kadib markii aan daawaday Man City kulankii Axadii waxay ahayd markii ugu horaysya ee aan ka fikiray in ay Arsenal ku guulaysan karto horyaalka”.

“Inkasta oo ayna ahayn in aan badalo saadaasha hadana kadib guuldaradii man City waxa aan dareemay in uu Guardiola qasayo kooxdiisa”.

“Ma garanayo sababta Kevin De Bruyne aanu u ciyaarin, ma garanayo sababta Ilkay Gundogan aanu u ciyaarin, ma garanayo sababta aanu Ruben Dias ugu soo laabanayn difaaca dhexe sidoo kale Aymeric Laporte Kuwaas oo daafaca adkeeya”.

“Kadib markii aan arkay Man City fikir ahaantayda saadaashayda waxa ay ahayd in ay Man City soo qabanayso Arsenal laakiin haatan ma hubo kadib kulankii Axadi”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept