Fabio Vieira Oo Is Bar-Bar Dhigay Naftiisa & Xiddig U Ciyaara Man City.
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Fabio Vieira ayaa is bar-bar dhigay qaab ciyaareedkiisa iyo qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Man City ee Bernardo Silva.
Fabio Vieira waxa uu u arkaa Bernardo Silva mid ka mid ah xiddigaha uu ku daydo waxana uu aaminsan yahay in uu la wadaago qaab ciyaareed.
- Advertisement -
“Dabcan waan la dhacsanahay isaga, waa ciyaaryahan aan caadi aheyn, si fiican ayaan uga aqaanaa Portugal, horay ayuu ugu soo ciyaaray Benfica. Waxaan u maleynayaa inaan nahay ciyaartoy isku mid ah, oo leh tayo isku mid ah, sidoo kale.”
Labada ciyaaryahan ee Vieira iyo Bernardo Silva waa ciyaaryahan Portugal ah oo ka ciyaara Premier League. Iyadoo Silva uu yahay xiddig muhiim ka ah xulka Portugal halka uu Vieira u ciyaaro xiddigaha 21 jirada ee xulka Portugal.
Si la mid ah Bernardo Silva, Fabio Vieira sidoo kale waa khadka dhexe ee weerarka kaasoo awood u leh inuu ka ciyaaro khadka dhexe ama garabka midig.
Xiddiga Arsenal waxa uu lix sano ka yar yahay xiddiga ay isku dalka yihiin sidaas darteed waxa uu noqon karaa badalkiisa mustaqbalka.
Related