Erling Haaland Oo Jabiyay Rikoodh Uu Halyeey Man United Ah Ka Dhigay Champions League.
Erling Haaland ayaa jabiyay rikooro dhowr ah markii uu dhaliyay shan gool kulankii Manchester City ay 7/0 kaga badisay RB Leipzig kulan ka tirsanaa champions League.
City ayaa 7-0 ku xasuuqday Leipzig ciyaar ka dhacday Etihad iyada oo u gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo Ilkay Gundogan iyo Kevin De Bruyne ayaa ku biiray Haaland gooldhalinta.
- Advertisement -
Waxay ahayd mid ka mid ah qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee xiddiga reer Norway waxana uu jabiyay dhawr rikoodh oo cajiib ah.
Waxaa xusid mudan inuu noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa ee 30 gool ka dhaliya Champions League, isagoo ku dhaliyay 25 kulan.
Sidaas darteed Haaland ayaa jabiyay rikoodhka oo uu dhigay halyeeyga Manchester United Ruud van Nistelrooy kaasoo 34 kulan qaatay in uu dhaliyo 30 gool.
Related