Erik ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Marcus Rashford.
Marcus Rashford ayuu shaki ku jiraa in uu taam u noqdo kulanka ay Man United la ciyaari doonto Newcastle Final-ka Carabao cup-ka Axada.
Rashford ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay 2/1 kaga badiyeen kooxda Barcelona kulankii Europa League xilli ciyaareedkan.
- Advertisement -
Xiddiga 25 jirka ah ayaa ka baxay ciyaartii Europa League daqiiqadii 88-aad iyada oo lagu badalay xiddiga Scott McTominay.
Isagoo la hadlayay saxaafada galabnimadii jimcaha, Ten Hag ayaa sheegay in ay kooxdiisu wajahayso wakhti wal-wal ah si ay u ogaadaan in uu taam noqon doono kulanka.
“Ma garanayo, ciyaartoydu hadda way imanayaan, waa inaan samaynaa baadhitaano caafimaad,” ayuu yidhi Ten Hag.
“Shalay baadhitaan ayaan ku samaynay xaaladiisa laakiin wakhti hore ayay ahayd ilaa haatan waa in aan sugno si aan u ogaano xaaladiisa”.