Eddie Nketiah Oo Sameeyay Saadaalin Kalsooni Ku Dheehantahay Kadib Guuldaradii Everton.
Eddie Nketiah ayaa ku adkaysanaya in Arsenal ay si fiican uga jawaabi doonto guuldaradii lama filaanka ahayd ee sabtidii ka soo gaartay Everton isla markaana ay dib ugu soo laaban doonaan guulaha kulanka ay Premier League wajaheyso Brentford.
Kooxda dhibaatoonaysa ee Everton ayaa ka yaabsatay hogaamiyayaasha horyaalka premier Legaue kadib markii ay kaga badiyeen 1/0 uu dhaliyay James Tarkowski.
- Advertisement -
Arsenal ayaa raadinaysa koobkeedii ugu horeeyay ee Premier Legaue markii ugu horaysay tan ilaa 2004 waxana ay doonayeen in ay sii dheeraystaaan hogaanka laakiin Everton ayaa u diiray.
Inkasta oo uu Nketiah qirtay in ay guuldaradii Everton ka soo gaadhay kooxdiisa Niyad jab u ahayd Gunners hadana waxa uu qirtay in ay ku soo laaban doonaan wadada guulaha kulanka Brentford.
“Waxa uu ahaa kulan adag”ayuu Nketiah yidhi.
“Waxa ay kulanka ka dhigeen mid aad u adag”.
“Koox ahaan maanu ku jirin qaab ciyaareedkii aan u baahnayn waa in aan horumar samayno isla markaas guulaha ku soo laabano kulanka xiga”.