Dhirbaaxo: Masiibada Dhaawacyada Liverpool Oo Sii Xumaatay Ibrahima Konate Ayaa Ka Dhaawacmay, Imisa Ayuu Maqnaanayaa.
Kooxda Liverpool ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib dhaawac soo gaadhay xiddiga Ibrahima Konate kaas oo muhiim u ah kooxda Liverpool.
Xiddiga Ibrahima Konate ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay isla markaas taageerayaasha ilowsiiyay maqnaanshaha Virgil Van Dijk.
- Advertisement -
Xiddiga Ibrahima Konate ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono 3 todobaad sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah.
Ibrahima Konate ayaa sidaas darteed seegi doona kulamada Everton, Wolves iyo Newcastle kuwaas oo ah horyaalka premier League.
Sidoo kale xiddiga ayaa la filayaa in uu seego kulanka Real Madrid ee champions League taas oo dhirbaaxo weyn ku ah Liverpool iyo Klopp.