DEG-DEG: Oo Ka Jawaabtay Dalabkii 2-aad Ee Ay Arsenal Ka Gudbisay Moises Caicedo Saxiixa
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalab labaad oo 70 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Brighton & Hove Albion Moises Caicedo.
Gunners ayaa horay u dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Leandro Trossard kaas oo ay ku dhamaystirtay lacag dhan 27 milyan oo euro.
- Advertisement -
Kooxda Mikel Arteta ayaa horay looga diiday lacag dhan 60 milyan oo euro oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Caicedo.
Kooxda Brighton ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddigu iib ahayn suuqa January inkasta oo uu xiddiga 21 jirka ah warqada bixitaanka gudbiyay.
Sida laga soo xigtay Sky Sport kooxda Brighton ayaa diida dalabkii 70 milyan iyo Gunooyinka ahaa ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.