DEG-DEG: Chelsea Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Malo Gusto.
Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Malo Gusto kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Lyon.
Chelsea ayaa xiddiga Malo Gusto ka dhigtay saxiixeedii ugu dambeeyay ee suuqa January si ay ugu xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
- Advertisement -
Malo Gusto oo 19 jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2030 waxana uu qaab amaah ah ku joogi doonaa kooxda Lyon inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa Malo Gusto ka bixisay lacag dhan 30 milyan oo euro waxana ay ka dhigtay saxiixyada ay kooxdu samaynayso suuqa January.